Parenting Awareness (Somali)
Parent Education & Parent Awareness Month (March)
Waacyagalinta Walidka & Bisha Buraarujinta Walidka (Maarso)
Buraarujinta caruurta waa shaqada oogu dhibka badan ee walidka qabto. Jagooyinka kale waxey kaga duwantahay lacag laguma qaato, cid kormeerto iyo barnaamij tababar midna ma laha. Xirfad waalid nimo wanaagsan waxaa lagu helikaraa, tababarka lagu qaato ayada oo jagada gacanta lagu haayo.
Barnaamijka Wacyagelinta ee Michigan (PAM) waa mid samafal kuna baahsan gobolka oo dhan, taakuleen kageesta wax barashada iyo ilaha kale kuwaas oo ku waajahan waalidnimo wanaag iyo babaarinta caruurta si ay u helaan daryeel caafimaad, una noqdaan kuwa ka qeybqaata daryeelka. Barnaamijka waxa kale uu gacan ka gesytaa xiriirinta isku xirka waalidiinta iyo horumarinta qorshaha dabaaldegyada bisha Maarso, kaas oo aqoonsan ahmiyadda in uu noqdo waalidka mid waxtar leh.
PAM waxay u fidineysaa waalidiinta rabaan in ay kordhistaan aqoon xirfadeed ku saabsan barbaarinta caruurta.
§ Waqti kasta u muuji caruurta jeceyl, daryeel iyo ixtiraam.
§ Amaan cunugga marki uu sameeyo wax wanaagsan.
§ Ku hogaami aqrista buugagta.
§ La joog cunugga waqti kufilan, la sheekeyso ee hadaladiisana dhegeyso
§ U noqo tusaalo fiican, waxqabadka iyo hadallada.
§ Sii cunuga meel nabadgelyo leh, ku noolaankaro kuna ciyaari karo.
§ U deji sharciyo iyo xuduud, kuna daba gal, si loogu qaado abaalmarinta ku haboon.
§ U muuji jeceyl cunugaaga mar waliba iyo maalinkasta
§ Codso taakuleyn la xiriirta korsiinta/barbaarinta caruurta
---Fidinta Ingham County Great Start
Becoming More Effective Parent (March – Short Version)
Sida loo Noqdo Waalid Wax Tar Leh (Maarso – Aragti Gaaban)
Wacyagalinta Waalidiinta ee Michigan (1800-968-4968) waxay u fidineysaa dadka waaweyn oo rabaan in ay noqdaan waalidiin wax tar leh:
§ U muuji caruurta jaceyl, daryeel iyo ixtiraam joogto ah.
§ Faallo wanaagsan kabixi marka cunuga waxyaabo fiican uu sameeyo.
§ Ku hogaami cunugaaga aqrista buugagta.
§ La joog cunugaaga waqti kufilan, dhegeyso ee la sheekeyso.
§ U noqo tusaalo wanaagsan af iyo idimba.
§ U diyaari meel amaan ah uu ku noolaado kuna ciyaaro.
§ U deji sharciyo iyo xuduud kuna daba gal si loogu qaado abaalmarinta ku haboon
§ U muuji jaceyl joogta ah.
§ Soo codso taakuleyn marka aad u baahatid.
---Fidinta Ingham
County Great Start