Personal tools
You are here: Home Organizations GSC, Birth to Five GSC Monthly Focus Articles
Document Actions

Navigating Child Care (Somali)


Navigating The Child Care Maze (February)

Waddada Baadi Gobka Xanaanada Caruurta (Febraayo)

 

Raadinta waddooyinka xanaanada caruurta mid fudud ma aha. Goob amaan ah kasokow, walidiinta waxay raadinaayaan goob taya wanaagsan leh loogu xanaaneeyo caruurtooda.

--- goob amaan ah keliyah ujeddada ma aha. Walidiinta waxay rabaan beeyad is dugsi iyo isjeceel leh oo caruurtooda ku barbaariyaan, wax ku bartaan una riyaaqaan. Barnaamijyada golayaasha lagu xanaaneeyo caruurta, guryaha qoyska u habeeysan xanaanada caruurta iyo guryaha wadajir loogu noolyahay.

 

Walidiinta u taagan xanaaneynta caruurta waa inay tixgelin siiyaan arimaha hoos ku qoran, inta ayan gaarin go’aan kama dambees ah.

 

·   U kuur gal barnaamijyada xanaanada caruurta ka jira jaaliyada dhexdeeda kana qeybgal hormarintooda iyo ballaarintooda.

·  Raadi goob amaan ah lagana helo qalab badan lagu ciyaaro una qalmo da’da caruurta, hawlwadeen jecel ciyaarsiinta caruurta iyo la sheekeysigooda.

·  Fiira gaar ah u yeelo meesha sida ay tahay caruurta ma farxaxsanyihiin iyo makaqeybgalaan? Hawlwadeenada waji furan iyo dulqaad ma leeyihiin?

·  Ma isku dheella tiranyihiin tirada caruurta iyo hawlwadeenada? Hawlwadeenkasta in uu xanaaneeyo tira yar oo caruur ah ayaa ku wanaagsan.

·  Wareeyso khibradda iyo tababaradda hawlwadeenada ku lugleh caruurta.InghamGSCph&web 2007

 

Kaalmo dheeraad waxaad ka heli kartaa, Xafiiska Ingham County ee Caruurta Da’da yar (517-887-4319) ama Internet-ka: www.ingham.org/hd/oyc.

 

---Fidinta Ingham County Great Start  

 

 

Navigating The child Care Maze (February – Short Version)

Waddada Baadi Goobka Xanaanada Caruurta (Febraayo – Aragti Gaaban)

 

Waalidiinta raadinaaya barnaamij wanaagsan ku saabsan xanaanada caruurta waa in ay raacaan tallaaboyinka soo socda; inta aan la gaarin go’aan kama dambees ah.

 

·        Baaritaan ku sameey waxyaabaha jaaliyadaadi ay ka qabaneyso xanaanada caruurta, kaalina kasii, hagaajinta/ballaarinta dadaalka loogu jiro.

·        Raadi meel amaan ah, lagana helo qalabka ciyaarta caruurta oo badan oo u qalma da’da caruurta, lehna hawlwadeeno tiro iyo tayo isku dheela tiran.

·        U kuur gal sida ay tahay goobta xanaanada caruurta, farxad iyo ka qayb gal maka muuqataa?InghamGSCph&web 2007

·        Wareyso khibradda iyo tabarka hawlwadeenka ku shaqa leh canugaaga/caruurta.

 

Wararka dheeraad ah waxaad ka heli kartaa: www.ingham.org/hd/oyc ama la soo xariir xafiiska Ingham ee Caruurta Da’da Yar: (517-887-4319)   

---Fidinta Ingham County Great Start  

 

 

 


Powered by Plone, the Open Source Content Management System

This site conforms to the following standards: